Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midoowga Yurub, oo uu hoggaaminayay General Seán Clancy guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midoowga Yurub (CEUMC), ayna ka mid ahaayeen safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee...
Category: Warar
Xildhibaanada oo loo qeybiyay wax ka badalka Dastuurka cutubyada 5 ilaa iyo 9
Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulan wadajir ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo xubnaha kale ee guddoonka labada aqal....
Rai’sul wasaaraha Ingiriiska oo ka degay Beijing
Bijiin (Raxanreeb Online) Rai’sul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa soo gaaray Shiinaha si uu u sameeyo booqasho saddex maalmood ah – taasoo ah markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka socda UK uu dalka booqdo tan iyo 2018. Starmer, oo la socdaan ku dhawaad 60 hoggaamiyaal ganacsi iyo dhaqameed oo British ah, ayaa la kulmi...
Xarunta golaha shacabka oo buuq iyo sawaxan ka taagan yahay
Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ayaa maanta fadhi wadajir ah ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan lagu wareejiyay Guddiga u qaabilsan dastuurka. Xildhibaannada iyo Senatarrada ayaa ku kala aragti duwan qabyotirka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad iyo hannaanka loo...
Ilhan Cumar oo isku day dil ka badbaaday
Minnesota (Raxanreeb Online) Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu weeraray shir ka dhacay hoolka shirarka ee Minneapolis. Nin ka mid ah dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa mar qura kusoo booday isagoo ku buufiyay walax dareere ah oo aan la garanayn oo uu ku watay irbad, isagoo la rabay inuu...
Wasiir Fiqi oo ka hadlay ka bixitanka ciidanka Yuganda iyo dagaalka kooxda AS
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka wabixiyay howlgalladii u dambeeyay ee Ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan dalka. Wasiirka oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bishan gudaheeda deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay Cabdullaahi Wadaad, oo ahaa sarkaalkii...
Dowladda Somalia oo shaacisay in rashiinkii gargaarka ee laga baxsaday dekadda Muqdisho dib loo celiyay
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimah dibadda ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in dhammaan raashinkii iyo gargaarkii laga qaatay bakhaar ku yaalla Dekedda Muqdisho, dib loogu celiyay hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) kaas oo ay bixisay Mareykanka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa mas’uuliyadda dhacdadaas ku sheegtay mid aan la aqbali karin, waxayna sheegtay in ay ka qoomamanayso oo ay...
Trump oo taliye cusub u magacaabay howlgalka ICE ee Minneapolis
Minneapolis ( Raxanreeb Online) Xilli Taliyahii hogaaminayay howlagalka ICE ee Minneapolis, Gregory Bovino, iyo qaar ka mid ah saraakiisha socdaalka ay ka tagayaan Minneapolis, ayaa waxaa la magacaabay sargaal cusub. Tom Homan ayaa bilaabi doona inuu hoggaamiyo hawlgallada ka socda ee magaaladaas Minneapolis ka dib markii toogashadii Alex Pretti Sabtidii ay kicisay xiisad weyn. Go’aanka...
Maxey kawada hadleyn Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddiga dib u-eegista dastuurka dalka ?
Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoonka labada aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la kulmay guddiga labada aqal ee u xil saaran dib u-eegista dastuurka, iyaga oo labada dhinac kulankooda uga hadleen cutubka 9-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare...
Golaha shacabka oo maanta ansixiyay sharciga amniga seybarka Soomaaliya
Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 32-aad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow. Guntanka ama kooramka kulanka ayaa waxa uu ku...









