Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sheekh Cali Wajiis, oo ka mid ah la-taliyaasha madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa hadal adag ka soo saaray dadka iyo kooxaha ka horjeeda dowladnimada Soomaaliya. Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in cid kasta oo la dagaallanta dowladnimada jirta loo aqoonsan karo fallaago, isagoo ku tilmaamay in ay la xukun yihiin kooxaha argagixisada...
Maxey tahay ujeedka uu guddoomiyaha Hay’adda SoDMA u tagay magaalada Baladweyne ?
Baladweyne ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle, oo wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay u tageen dardargelinta howlaha gurmadka iyo diyaar-garowga khataraha fatahaadaha. Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo wafdigiisa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka...
Xildhibaan Axmed Buux oo si kulul uga hadlay duqeyntii lagu beegsaday Taliye Shub
Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaan Axmed Buux oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay duqeyn la sheegay in lagu beegsaday Taliye Shub, isagoo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya inay adeegsatay diyaaradaha Turkiga si loo fuliyo weerarka. Xildhibaan Axmed Buux ayaa sheegay in duqeyntaasi ahayd weerar uu ku tilmaamay “argagixiso”, isagoo xusay in ujeeddadu ahayd in...
Xildhibaane Kulan Jiis oo cadeeyey in Farmaajo uusan weerarin inta xukunka yahay wax siyaasiyiin ah
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Kulane Jiis, ayaa sheegay in dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) aysan dilin ama weerarin cid siyaasadeed, isagoo si gaar ah uga hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kulane Jiis ayaa sheegay in haddii dowladdii Farmaajo ay damacsanayd inay siyaasi disho, Xasan Sheekh uu ka mid ahaan lahaa dadka ay beegsan...
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in Lafta-gareen iyo Taliye Shub ay yihiin argagixiso
Muqdisho ( Raxanreeb Online_ Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdifitaax Qaasim, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan marnaba ku dhawaaqin in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo Taliye Shub ay yihiin argagixiso. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda aysan wax shaqo ah ku lahayn hadallada ama tallaabadii arrintaas la xiriirtay, isagoo meesha...
Aadan Madoobe oo la sheegay inuu wado qorsho uu xafiis uu maamulkiisa ku shaqeeyo kaga dhisanayo Muqdisho (XOG)
Baraawe (Raxanreeb Online) Ilo ku dhow hoggaamiyaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Madoobe ayaa laga soo xigtay inuu qorsheynayo in si degdeg ah loo dhiso xafiisyada maamulka Koonfur Galbeed ee magaalada Baraawe, ama uu Muqdisho ka sameysan doono xafiis ku-meel-gaar ah oo uu howlaha maamulka ka sii wado. Arrintan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib...
Ruto oo amar ku bixiyay in la xiro ganacsiyada yar yar ee Ajaanibta Kenya joogta lee yihiin
Nairobi (Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay in ganacsiyada yaryar iyo kuwa tafaariiqda ee dalka loo xaddidayo muwaadiniinta Kenya, isagoo amar ku bixiyay in ganacsiyada noocaas ah ee ay leeyihiin ajaaniibta la xiro. Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelan karta ajaaniib badan oo ku nool Kenya, gaar ahaan Soomaalida aan haysan dhalashada...
Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baydhabo
Baydhabo (Raxanreeb Online) Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay inay si buuxda gacanta ugu hayaan nabadgelyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib dagaal gudaha magaalada ku dhex maray ciidamo taabacsan Laftagareen iyo maamulka Koonfur Galbeed. Maamulka ayaa sheegay in xaaladda amni ee magaalada ay hadda gacanta ugu jirto hay’adaha ammaanka, iyadoo...
Ciidamo mushaar la’aan Ka Gadoodsan oo la wareegay Xabsiga dhexe ee Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb Online): Ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa la wareegay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, iyadoo xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha iyo hareeraha xabsiga. Ciidamada ayaa la sheegay inay taagan yihiin dhammaan darbiyada Xabsiga Dhexe iyo jidadka laga galo, iyagoo ku hubeysan qoryo. Sidoo kale, ciidamadii loo xilsaaray waardiyaha Xabsiga Dhexe ayaa la sheegay...
Ciidankii taabacsanaan Lafta-gareen oo duqeyn lala beegsaday
Naaxo ( Raxanreeb Online) Ciidamadii taabacsanaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa heegan sare lagu geliyay fariisimahooda ku yaalla duleedka magaalada Baydhaba. Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in xalay diyaarado ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Naaxo, oo ku dhow fariisimaha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed. Ilaa hadda lama xaqiijin...









