Spain ( Raxanreeb Online) Dhammaan cadaymaha ilaa hadda waxay muujinayaan in ciyaaryahanka reer Portugal ee Diogo Jota uu kaxeynayay gaarigiisa markii uu shil ku galay waddo wayn oo ku taalla dalka Spain. Warbixinadii ugu dambeeyay ayaa muujinaya inay u badan tahay inuu ku socday xawaare sare, sida ay booliisku sheegeen. Ciyaartoyga Liverpool oo 28 jir...
Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay waddo muhiim u ah bulshada gobolka Banaadir
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay waddada 26-ka June ee isku xirta Isgoysyada Shaqaalaha iyo Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodan, taasi oo uu burbur xooggan kasoo gaaray roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maalgalinta ugu weyn ee...
Shiinaha oo Soomaaliya ka taageeraya dhinaca amniga
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. Wang Yu, iyaga oo kulanka ku lafaguray xoojinta iyo adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha. Intii uu socday kulanka, Safiirka...
Maxkamadda ICC oo soo saartay amar lagu soo xirayo hogaamiyayaasha Taalibaan
Afgaanistaan ( Raxanreeb Online) Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah madaxda sare ee ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay tacadiyo u geystaan haweenka iyo gabdhaha dalka Afgaanistaan. Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa xaqiijisay “sababo macquul ah” oo lagu aamini karo in...
Shir looga hadlayo natiijada shirkii Gogosha wadatashiga Qaran…
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka ee Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud iyo Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa Saxiibada caalamka kulan gaar ah kala yeeshay ka mirodhalinta natiijada shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran. Shirka ayaa si qotodheer looga hadlay dhaqanka fiican ee gogosha nabaeed,...
Maxey kawada hadleyn madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Masar ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay qasriga Al-calamayn, dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar Mudane Cabdifataax Al-Sisi. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dal iyagoo si qotodheer iskula soo qaaday dardargalinta isku xirka labada shacab, waxa uuna...
Wasiirkii Gaadiidka dalka Ruushka oo is dilay kaddib markii…
Moscow ( Raxanreeb Online) Guddiga baarista ee Ruushka ayaa sheegay in wasiirkii hore ee gaadiidka Ruushka Roman Starovoit la helay meydkiisa, isagoo u muuqda inuu isdilay. Waxaa goor sii horeysay oo isniin ah xilka ka qaaday madaxweyne Vladimir Putin. Ma jirto wax loo sababeeyay xil ka qaadista Starovoit, waxaana lagu dhawaaqay wasiir ku xigeenka gaadiidka...
Xaalada magaalada Nairobi oo saakay cakiran iyo dibadbaxyo…
Nairobi ( Raxanreeb Online) Waxaa saaka laga dareemayaa xiisad iyo cabsi xooggan magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo waaweyn, iyadoo la filayo in dibadbaxyo ay ka dhacaan maanta. Ciidamo ayaa aroortii lagu daadiyay waddooyinka, waxaana gebi ahaan la xiray marinada bartamaha magaalada (CBD), oo ay ka mid yihiin Waiyaki Way, Uhuru Highway, iyo qaybo ka...
DEGDEG: Qarax goordhow ka dhacay degmada Moqokori
Moqokori ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaweyd qarax khasaaro geystay uu ka dhacay gudaha degmadaasi. Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala beegsaday goob ay ku sugnayeen dad shacab ah iyo ciidamo katirsan macawiisleey....
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira & qorshaha
Qaahira (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo. Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-Sisi si ay uga wada hadlaan...