Muqdisho (Raxanreeb) Madaxwaynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu dawaynayaa isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ka dib dhaawaac ka soo gaaray weerar Al- Shabaab ay ku qaadeen deegaano hoos yimaada Baacaadwayne halkaas oo uu ku sugnaa Qoorqoor Madaxwaynaha ayaa shalay loola soo cararay dhaawaciiisa magaalada Muqdisho , waxaana la sheegayaa in gacanta iyo...
Garoonka diyaaradaha Beledwayne oo khilaaf u xiran
Beledwayne (Raxanreeb )Waxaa maalintii labaad xiran oo hakad ku jira dhamaan adeegyadii duuliimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo aysan kasoo dagin wax diyaarad kana duulin, marka laga reebo diyaaradaha adeegyada u keena ciidanka ATMIS ee ku sugan Baledweyne. Waxaa la tilmaamay in xirnaashaha garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne ay la...
Qoorqoor iyo senatoro ka badbaadin dil la soo maleegay+khasaraha la ogyahay
Wisil (Raxanreeb ) Baabuur uu waday qof is-miidaamiye ah ayaa lala beegsaday tuulada Laas Gacamey oo u dhaxaysa deegaaada Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Dad ku sugan Wisil ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan, islamarkana lagu weraray goob ay ku sugnaayeen madaxweynaha Galmudug, saraakiil ka tirsan qaybaha ciidamada, iyo xildhibano ka tirsan...
Golaha wasiirada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay Koonfur Afrika & Sucuudiga
Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah, laguna ansixiyay heshiisyo cusub oo ay soo gashay dowladdu.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo xukun adag ku riday xubno ka tirsan Al-Shabaab
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday laba wiil dhalinyaro ah oo lagu helay inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo maxkamadeyntooda soo socotay muddo fog.
Danelo Cavalcante oo 18 maalmood ka dhuumanayay Ciidamada Mareykanka oo Eey soo qabtay
Maxbuuskii baxsadka ahaa ee Danelo Cavalcante ayaa la qabtay ka dib ku dhawaad laba toddobaad oo uu baxsad ahaa. Gacan-ku-dhiiglahan ayaa la raad-gurayay ka hor inta aysan isku hareereyn koox xeeladaysan oo ka tirsan Ilaalada Xuduuduhu abbaare 8-dii subaxnimo ee Arbacadii.
Wefdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood +UJEEDKA
Laascaanood (Raxanreeb ) ilaa 40 xubnood oo isugu jira wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Wafdigan oo ah kii ugu ballaarnaa oo tega gudaha Laascaanood ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha...
Mareykanka oo Malaayiin Dollar dul-dhigay Hoggaamiye ka tirsan AS
Washington (Raxanreeb) Dowladda Mareykanka ayaa mar kale lacag malaayiin dollar ah dul dhigtay madaxa hoggaamiye katirsan kooxda Al Shabaab, kaa oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir, Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $3 milyan la siin doono cid kasta oo keenta...
Koror ku yimid dadkii ku dhintay masiibadii ka dhacay LIIBIYA
Tripoli (Raxanreeb) Daadadka xooggan ee ku dhuftay dalka Liibiya ayaa dilay in ka badan 6,000 oo qof, iyada oo 10,000 oo qof oo kalena la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Dadka la la’yahay ayaa loo malaynayaa in daadadku ay qaadeen oo ay ku dareen badda Mediterraneanka ama ay ku jiraan qashinka iyo ciidda...
Ergeyga QM ee u qaalbisanaa Arrimaha Suudaan oo is Casilay
Suudaan (Raxanreeb) Volker Perthes oo ah Dibloomaasi u dhashay dalka Jarmalka waxa uu maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay Xilkii Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan. Sidoo kale, Ergayga oo Khudbadiisii u dambaysay maanta u jeediyey xubnaha Golaha Ammaanka ee QM waxa uu ka digay inuu Dagaalka ka socda Sudan uu horseedi...









