CC muxuu ka yiri Hay’adda NISA

CC muxuu ka yiri Hay’adda NISA

Muqdisho (Raxanreeb) — Ma ahan mid xasiloon sooyaalka hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya ee (NISA). Burburkii ka hor iyo ka diba waxay ahaan jirtay hay’ad lagu caburiyo laguna cabsi geliyo shacabka iyo siyaasiyiinta. Taasi waxay dhalisay in dad badan ay sas iyo sumcad xumi la xariiriyaan magaca Hay’adda.

Haddaba hagaajinta sumcada, magaca iyo waxqabadka hay’adda waa laga maarmaan. In loo sameeyo sharci ay labada Gole ee Baarlamaanka kula xisaabtami karaan Hay’adda iyo hawl-wadeenkeedu waxay ahayd tilaabo wanaagsan.

Furitaanka xafiis ay dadwaynuhu toos ugu gudbin karaan tabashada ay ka qabaan xadgudubyada ay galaan saraakiisha ama Ciidamada NISA ee ka dhanka ah xuquuqda iyo xorriyaadka aas’aasiga ah, ku-takrifalka awoodeed, cadaalad-darrada, musuqmaasuqa iyo dhamaan dhaqannada dhaawici kara sumcada Hay’adda ama bani-aadanimada ka baxsan., waa tallaabo shacabka u furaysa ilinka la xisaabtamka NISA.

Dalal badan ayaa leh xafiisyo iyo hay’ado madaxbanaan oo looga cawdo xadgudubyada iyo takrifalka ay gaystaan hay’adaha amniga, waase kuwo ka madaxbanaan hay’adahaas.

Hayeeshee in uu hoggaanka hay’addu hal abuurkan oo kale la yimaado, iyadoon cidna ku qasbin waa tillaabo boggaadin mudan, waxayna waxna ka tari doonta dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada, sababtoo ah dagaalka lagula jiro argagexisada waxaa lafdhabar u ah sirdoon bulsho (Community Intelligence), kasoo ay lagama maarmaan tahay in shacabku ku kalsoonaado hay’adda sirdoonka, si ay ula wadaagaan xogta la xariirta argagexisada.

Haddaba ma aha in muwaadinkuna uu cabadashiisa oo qur ah gudbiyo ee waa in uu tebiyaa haddii uu arko xadgudub lagula kacayo muwaadin kale, ama habdhaqan aan wanaagsanayn ee ay ku kacayaan ciidanka NISA.

Waxaan ku boorinaynaa laamaha kale ee amniga, gaar ahaan Booliska in ay ku daydaan hay’adda Nabadsugidda oo ay furaan xafiisyo looga cawdo xadgudubka ay ku kacaan ciidanka booliska.

Waxaan sidoo kale u soo jeedinyaa xukuumadda in ay dhisto xafiiska Gardoonka ee uu dhismihiisa farayo qoddobka 129aad ee dastuurka si ay dadweynuhu u helaan hay’ad madaxbannaan oo looga cawdo xadgudubyada ciidamada iyo hay’adaha kale ee maamulka Dawladda.