Ciidamada DF iyo kuwa maamulka Jubbaland oo howlgallo kawada deegaannada maamulkaasi

Kismaayo (Raxanreeb) — Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa gaarka u tababaran ee DANAB & kuwa Daraawiishta DG Jubbaland ayaa howlgallo kawada deegaanno katirsan Gobolka Jubada Hoose ee Dowlad-Goboleedkaas.

Ciidankaan ayaa dhaqdhaqaaq ciidan kawada deegaanno hoostaga Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland, saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen in ujeedkoodu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen deegaannada ay joogaan ‘AS’.

Sarkaal katirsan Ciidanka Daraawiishta DG Jubbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Federaalka iyo kuwa Daraawiishta in ay u diyaargaroobeen wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhowaan ciidamadaan kula dardaarmay in ay qaadaan guluf ka dhan ah ‘AS’ si looga qabsado Gobolka Jubada Dhexe oo guud ahaan maamulaan Shabaab & deegaanno katirsan Jubada Hoose.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamadaan la diyaariyay ay u dhammeystiran yihiin hub & agab sidaas awgeed ay ku dhaqaaqayaan deegaannada ay joogaan ‘AS’ si ay dib ugu soo celiyaan Gacanta DG Jubbaland.