‘’ Ma sii socon karto colaada Suudan ‘’ sidaas waxa yiri beesha Caalamka

‘’ Ma sii socon karto colaada Suudan ‘’ sidaas waxa yiri beesha Caalamka

Khartoum (Raxanreeb ) Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan xabbad-joojinta burburtay ee Suudaan waxaana durba billowday kulamo lagu cadaadinayo dhinacyada Militari ee ku dagaalamaya Magaalada Khartuum Caasimadda Dalkaas.

Wakiilada kala duwan ee Hay’adaha iyo dowladaha ee jooga Khartuum ayaa soo tebiyay in aanay sahlaneen xaaladda ka jirta Khartuum, fariimo loo diray ayaa loogu baaqay in ay ka feejignaadaan waxyeellada kasoo gaari karta rabshada dib u billawday.

Jananada Militari ee ku harsamaya in midba midka kale ka gacan sarreeyo ayaa loogu baaqay in ay dhaqangeliyaan xabbad-joojin kale oo fursad u noqota Dadka ku xayiran Gudaha Khartuum iyo in la billaabo wadahadal lagu dhexdhexaadinayo.

Taliyaha ciidanka RSF, Hemati ayaa sheegay in RSF ay qaateen xabbad joojinta si loo hubiyo marin ammaan ah oo ay isticmaalaan dadka rayidka ahi iyo in la daadgureeyo dadka dhaawaca ah.

Colaadda u dhexeysa kooxaha hubaysan ee ku loolamaya dalka Sudan ayaa billaabmay afar maalmood ka hor, waxaana ku dhintay ugu yaraan 185 qof guud ahaan dalka.

Hemati ayaa sheegay inay qorshaysan yihiin wadahadallo dheeraad ahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.