Ciidamada dowladda oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, oo laga helayo howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah Galmudug, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka, ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Masagawaa, iyo Waniinle, ee Galmudug, kuwaas oo nolosha kusoo qabtay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaasi.

Mowlid Cali Dhuxuloow, oo ahaa horjooge Shabaab ah, ayaa lagu soo qabtay howlgalkaasi kaasoo ka mid ahaa Jabhadaha, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 85-aad ee guutada 77 iyo Ciidanka Deeganka ayaa Howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Deeganada Masagawaa & Waniinle kusoo qabtay horjooge Mowlid Cali dhuxuloow oo in mudo ah ka mid ahaa kooxda Khawaariijta ah gaar ahaan kuwa ay ugu yeeraan Jabhadaha” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Qoraalka ayaa la raaciyay in uu dhuumaaleysanayay sarkaalkan isagoona aata koox kaloo ka tirsan Shabaab isla dhuumanayeen.

“Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka heleen xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay Waxaa uu hogaaminaayay koox nafla-caari ah oo ku dhuumaaleeysaneeyso dhulka howdka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Dowladda.

Howlgallada ayaa weli ka socda deegaanadaasi, iyadoo ay degantahay xaaladda halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa weli waxaa ka socda howlgallo lagu xaqiijinayo amniga gobollada iyadoo laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya, ayaa howlgalladan billowday sannadkii tagay iyadoo kooxda Al-Shabaab, laga xureeyay gobollada Hiiraan Shabeellaha dhexe deegaano ka mid ah, Galgaduud iyo Galmudug oo weli ka socdo howlgallada.