Ciidamada dowladda oo u daatay Saldhigyada Al-Shabaab Xubnana ka dilay

Muqdisho: (Raxanreeb) Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ee Macawiisleyda ayaa waaberigii hore ee saaka weerar ku qaaday farisiin xubno katirsan Kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin Aaga degaanka Cali Candhoole ee duleedka degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada degaanka ayaa sheegay in Goobta ay weerareen ay isku aruursanayeen Al-Shabaab sidoo kalena ay ka difaacayeen degaanka Bargaan ee Gobolkaasi Galgaduud

Ugu yaraan 5 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerarkaas iyada oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayaan.

Xogta weerarka ayaa sidoo kale wararka laga helayo waxaa ay sheegayaan ilaa laba qoray oo nooca AK47 ah lagu soo furtay, kuwaas oo ay ka carareen Kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Candhoole ee lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in ay halkaasi gacanta ku hayaan ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka, halka Al-Shabaab ay aadeen dhinaca degaanka bargaan ee gobolka Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.