Ciidamada kenya oo billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xadka uu Soomaaliya la wadaago dalkaasi

Ciidamada kenya oo billaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xadka uu Soomaaliya la wadaago dalkaasi

Nairobi (Raxanreeb) — Kenya Ciidamadeeda ammaanka oo billaabay howlgallo lagu sugayo amniga deegaannada Dalkaas ee xiga dhanka Xadka Soomaaliya si looga hortago in dagaallamayaasha katirsan Ururka Al-Shabaab ay gudaha u galaan dalka Kenya.

Dhowaan ayaa xadka dalkaasi uu la wadaago dalka Soomaaliya dib loo furay tobannaan sanno oo uu xirnaa sababo la xiriira amniga Kenya oo dhowr mar Al-Shabaab weeraro lagu hoobtay ka geeysatay gudaha Kenya.

Saraakiil katirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in howlgalladaan ay yihiin kuwo joogta ah oo marweliba lagula soconayo dadka ka gudba Soohdinta si aanay ugu dhex dusin xubno katirsan Al-Shabaab oo damacsan in ay xadka ka gudbaan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in qorshaha Al-Shabaab uu yahay in ay falal amniga liddi ku ah ka geystaan gudaha Kenya balse Ciidanku ay u diyaarsan yihiin la socodka dhaqdhaqaaqa Dadka looga shakiyo in ay katirsan yihiin ama xiriir wadaagga ay yihiin Shabaab.

Dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa dhowaan ku heshiiyay dib u furista Xadka ay wadaagaan iyada oo howshaas lagu qabanayo muddo aan ka badneen 90 cisho sida ku xusan heshiiska ay wadagaleen mas’uuliyiinta labada dhinac kala metaleysay.

Kenya waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro isugu jiray qaraxyo iyo kuwo toos ah oo rag katirsan Al-Shabaab maalmo iyo aacado ka dagaallameen dhismo ku yaalla Mandheera, Nairobi & Keynta Laamu waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Si loola socda dhaqdhaqaaqa dhanka soohdinta waxa ay Kenya kordhisay Ciidamada Booliiska ah oo qaarkood wata Gaadiidka Ciidan, Dhowr neef oo Geel ah & saldhigyo cusub oo ay ka dhisteen meelaha ugu badan ee weeraradu ka dhacaan.