Weerar lagu qaaday Safaaradda Qatar ee Suudaan

Weerar lagu qaaday Safaaradda Qatar ee Suudaan

Khartoum (Raxanreeb )  Weerar xoogg badan ayaa lagu soo waramayaa in lagu qaaday dhismaha safaarada Qatar ay ku leedahay dalka dagaaladu ay ka socdaan ee Suudaan gaar ahaan caasimadda Khartoum

Warbaahinta dalkaas ayaa tabisay muuqalada weerarada lagu qaaday safaarada , halkaas oo la sheegay in laga qaatay dhamaan agabyadii yiilay , waxaana safaarada ka maqnaa dhamaan diblamaasiyiinta.

Xiliga uu weerarkan dhacay ayaa waxaa safaarada joogay ilaalo kooban, iyadoo dowlada Qatar ay horey diblomaasiyiinteeda ugala baxday magaalada Khartuum.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay Boobka loo geystay Safaaradaha dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Turkiye ku leeyihiin Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Isku daygii hore ee xabbad joojinta ee dhex maray ciidamada caadiga ah ee Suudaan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah (RSF) ayaa horay u guuldareystay.

Laakiin heshiiska cusub waxaa lagu dhaqan gelin doonaa “habka la socodka xabbad joojinta,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga.

Todobaadkii hore, Dhismaha Safaaradda Somalia ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum ayaa la bililiqeystay, waxaana lagu eedeeyey inay Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.