Muqdisho (Raxanreeb) — Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ATMIS, gaar ahaan kuwa Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ayaa maanta ka baxay degmada Balcad, ayaga oo isku fidiyay hareeraha degmada Balcad, oo ku taalla waddada xiriirisa magaalada Muqdisho iyo Jowhar.
Ciidamadan howlgallada billaabay ayaa waxaa horkacaya saddex xiddigle Xasan Cali iyo taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska guud ee
ATMIS.
Howlgalkan ujeedkiisa ah, in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab, kasoo qaadaan deegaannadda ku dhow caasimadda.
“Ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee fadhigoodu yahay Saldhiga Ceelka Geelow iyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya (SSF), ayaa kordhiyey roondooyinka wadajirka ah ee ay ka sameeyaan degmada Balcad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, si ay uga hortagaan weerarada argagaxa leh ee ka dhanka ah shacabka inta lagu guda jiro bisha Ramadaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ATMS.
“Howlgalka oo ay hogaaminayeen Taliyaha Ciidamada Burundi Gaashaanle Ntakarutimana Thierry iyo 3 xidigle Hassan Ali, oo ka tirrsan ciidanka amaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale sugay ammanka wadada muhiimka ah isku xirta Jowhar iyo Muqdisho (MSR) ee Shabeelada Dhexe” ayaa lagu yiri markale.
Xaaladda degmada iyo aaggeeda ayaa ah, mid kacsan oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda labada dhinac.
Shabeellaha Dhexe, ayaa ka mid ah, meelaha dagaalka adag lagu qaaday kooxda Al-Shabaab, ee looga qabsaday deegaano badan.