Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa xalay tegay isbitaalka Digfeer oo la dhigay inta badan mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay weerarkii hotel SYL ee magaalada Muqdisho.
Booqashada Xamsa, ayaa ahayd mid u kuurgalid ah, masu’uliyiintii ku dhaawacmay qaraxii hotelka SYL, ay ku qaadeen kooxda Al-Shabaab, ee habeen hore kuwaas oo yaalla dhaawacooda Isbitaalka Digfeer.
Xamsa, ayaa inta uu ku guda jiray booqashada ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyada yaalla Isbitaalka Digfeer, isagoona Alle uga baryay inuu caafimaad deg deg ah, siiyo.
Sidoo kale ra’isulwasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka wareestay xaalka ay ku suganyihiin bukaannada dhaawacyada ah, isagoona uga mahadceliyay dhakhaatiirta isbitaalka dadaalka xooggan ee ay gelinayaan dhaawacyada.
Dhanka kale, waxaa isna booqday Isbitaalka ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, isagoona u kuurgalay dhaawacyada masu’uliyiintii ku dhaawacmay qaraxii SYL, Isbitaalkaasi.
“Waxa aan booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiintii iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ah ay ka gaysteen hotelka SYL” ayuu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Sidoo kale waxa uu boggaadiyay ciidamada ammaanka ee soo afjaray weerarka, kadib howlgal saacado badan qaatay oo ka dhacay hotelka SYL.
“Waxa aan bogaadinayaa ciidanka geesiyaasha ah ee cadowga khawaarijta ah si geesinimada leh uga hor-tagay isla markaana fashiliyay dhagartii ay la maagganaayeen muwaadiniintii iyo masuuliyiintii goobta ku sugnaa” ayuu yiri.
“Waxa aan Allah uga baryayaa inta dhimatay in uu u naxariisto, inta dhaawaca ah caafimaad degdeg ah siiyo” ayuu yiri markale.