Wararka inaga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay hareereeyeen Saldhiga Booliiska iyo Xarunta Degmadda Afgooye, iyagoo maalintii labaad ka hor taagan in ay qaadaan Canshuurta kasoo xaroota Mootooyinka.
Wasaaradda Maaliyadda Kiinfur Galbeed, oo amarka xayiraada shaqadii ka socotay Afgooye bixisay ayaa doonaysa sidii horey u jirtayba in lacagta laga qaado Mootooyinkaas ay si toos ah ugu soo dhacdo Akoonka Wasaaradda ee Magaaladda Baydhabo, Balse Maamulka Degmadda Afgooye ayaa ka hor yimid arrintaan oo diiday in lacagihii wax lagaga qaban lahaa Baahiyaha ka jira Degmadda loo diro meel kale.
Majirto wax shaqo ah oo ka socota xiligaan Xarunta Degmadda iyo Saldhiga Booliiska ee Afgooye iyadoo laga cabsi qabo in ay Xiisad gacan ka hadal ah ka dhalato Arrintan.
Wixii kusoo kordho warkan halkan kala soco.

Leave a Reply