Sacdiyo Bajaaj oo maanta markale maxkamad lasoo taagay

Sacdiyo Bajaaj oo maanta markale maxkamad lasoo taagay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa markale dib ugu celisay Xafiiska Xeer Ilaalinta kiiska Sacdiyo Bajaaj, oo maanta la horgeeyay maxkamadda.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Saalax, ayaa sheegay in xeer ilaalinta aysan la imaanin dacwad dhameystiran, isla markaana dib u soo cadeeyaan eedeymaha Sacdiyo, oo lagu eedeeyey aflagaado madaxadeed iyo kicin dadweyne.

Geesta kale qareenka difaacaya Sacdiyo Macallin, Abuukate Xalane, oo warbaahinta la hadlay kaddib fadhiga maxkamadda, ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku qanci weysay eedaha uu soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Waxa ayna maxkamaddu amartay  in  Xeer Ilaalinta ka dalbatay in ay soo dhamaystiraan eedeymaha iyo caddeymaha la xiriira kiiska ka hor inta aan dib loo dhageysan.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo maxkamadda gobolka Banaadir la horkeeno Sacdiyo Bajaaj oo muddo labo ah ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar, sababo la xiriira cabasho ay ka muujisay sicirbararka Shidaalka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.