Calimiskaad (Raxanreeb online) – Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa qeybo kamid ah buuraha gobolka Bari kawada howlgallo ka dhan ah kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada wadaan dedaalo ay kusoo afjarayaan dagaallmayaasha kooxdaasi ee wali ka dagaallamaya buuraha dhexdooda.
Sidoo kale, kooxda Daacish oo isugu jirtaa Soomaali iyo ajaaniib, ayaa iyaguna iska caabino ay iskaga difaacayaan duullaanka uga yimid ciidamada Puntland, waxa ayna kooxdan adeegsanayaan hub kala duwan iyo diyaarado drones qaraxyo lagu soo xiray.
Dhanka kale, War kasoo baxayhowlgalka ciribtirka kooxaha argagaxisada Puntland, ayaa lagu sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada difaaca Puntland ay soo rideen ilaa lix diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn, kuwaa oo Daacish kusoo weerareen ciidamada difaaca Puntland.
“24-kii saac ee u danbeysay, Ciidanku waxay soo rideen oo burburiyeen 6-Drone oo Argagixisadu isku dayday in ay adeegsato” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay hawlgalka ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada difaaca dowladda Puntland.
Sikastaba, Ciidamada Puntland, ayaa sidaan oo kale horey u qarxiyay qaarkoodna gacanta ugu dhigay diyaarado aan duuliye laheyn oo lagu soo weeraray, waxa ay sidoo kale ciidamada Puntland qarxiyeen miinooyin badan oo kooxda Daacish ku aaseen waddooyinka soo gala goobaha ay joogaan.
Leave a Reply