Boosaaso ( Raxanreeb Online) Sida ay wararka sheegayaan Xubno ka tirsan kooxda daacish ayaa werar culus oo qaraxyo ku bilawday ku qaaday saldhig ciidamada Puntland, ay ku leyihiin deegaanka dhaasan ee buuraleyda Calmiskaad.
Dagaal saacada badan socday ayaa halkaasi ka dhacay waxaana jira khasaaro labada dhinac soo gaaray iyada oo ay wararka sheegayaan in gudaha ay u galeen xubnaha daacish deegaanka dhaasan.
Saraakiil katirsan ciidamada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay hayeen xogta weerarka, isla markaana ciidanka ay ku jireen difaac ayna ka hotageen.
“ Khawaarijta oo dhibaato badan ku haya shacabka Soomaaliyeed, ayaa xalay soo weerartay guutada 2-aad ee ciidanka daraawiishta Puntland, jab culus ayaan gaarsiinay meydadkooda ayaa halkan yaala, illaah ayaa nagu guuleeyay. Ciidanka Puntland waa ciidan u tababaran qabashada cadowga ajnabiga ah, ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha oo warbaahinta la hadlay.
Deegaanka dhaasan ayaa waxa uu u dhawyahay magaalada baladhidhin oo ah taliska ciidamada Puntland.
Leave a Reply