Maxey kawada hadleyn MW Xasan Sheekh iyo madaxa howlgalka AUSSOM ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saacadihii lasoo dhaafay wuxuu magaalada  Muqdisho kulan kula qaatay  wakiilka KMG ah ee howlgalka Afrika ee AUSSOM, Adebayo Kareem.

Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo howlgalka AUSSOM, si gaar ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa u sheegay  wakiilka, in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyso howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in wada shaqeeyo joogta ah ay dhex marto.

Mr Adebayo ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya, si loogu soo dhoweeyay dalka, isaga oo ballan qaaday in ay xoojin doonaan howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.