Hir-shabeelle ) Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xoogagga deegaanka ayaa xalay si buuxda ula wareegay degaanka Ceel-dheere, oo qiyaastii 10 KM u jira degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaan oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday xubno katirsanaa kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa deegaankaas.
Taliyaha Guutada 5-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Maxamuud Ibraahim Xasan (Baakay), ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhammaaday guul buuxda, kadib markii dagaal kooban lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.
Korneyl Baakay ayaa intaas ku daray in hadda deegaanka Ceeldheere si buuxda gacanta ugu jiro ciidanka dowladda, isla markaana howlgalku uu qayb ka yahay dadaallada socda ee lagu xoreynayo guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Leave a Reply