Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlay dagaalka Bariga Dhexe

Moscow ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Ruushka Putin oo ka hadlayay shir dhaqaalaha Ruushka looga hadlayo oo ka dhacay dalkiisa,  ayaa sheegay in aysan jirin wax waxyeelo ah oo gaaray xarumaha hubka Nuclearka Iiran.

Moscow ayuu sheegay in ay taageerayso Iiraan, xaqqa ay u leedahay Nuclear nabad ah oo aan hubeysaneyn, taas oo uu sheegay in laga shaqeynayay ayna Ruushka lug ku lahaayeen.

“In ka badan 200 qof oo khubarada Nukliyeerka Ruushka ah ayaa ku sugan Iran si ay u dhisaan laba unug oo kale oo laga dhisayo warshadda tamarta Nukliyeerka, Ruushka wuxuu ballanqaad ka helay ISR|L oo ah inuusan waxyeello u geysan.”ayuu yiri Putin

Leave a Reply

Your email address will not be published.