Iran oo ka hadashay bartilmaameedkeeda saxda ah ee weerarkii maanta

Iran oo ka hadashay bartilmaameedkeeda saxda ah ee weerarkii maanta

Iiraan ( Raxanreeb Online) Bartilmaameedka ugu weyn ee gantaalka saaka ee Iiraan ayaa ahaa saldhig ciidan oo ku taala meel u dhow Isbitaalka Soroka ee Beersheba, ma ahan isbitaalka laftiisa, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iran.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee IRNA, weerarka ayaa lala beegsaday xarun ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa’iil “taliyaha iyo sirdoonka (IDF C4i)” iyo xero sirdoon iyo milatari oo ku taala Gav-Yam.

Dhakhaatiirta caafimaadka ee Israa’iil ayaa dabiibaya ugu yaraan 32 qof oo dhaawac ah ka dib weerarradii ugu dambeeyay ee Iran, sida uu sheegay adeegga degdegga ah ee Israa’iil Magen David Adom (MDA).

Laba qof, ookala ah nin da’diisu tahay 80 jir iyo haweeney 70 jir ah, ayaa xaaladoodu aad u liidato, halka 30 qof oo kalena ay qabaan dhaawacyo fudud, oo u badan qaraxyada iyo firirka, ayuu yiri adeegga MDA.

Warbixin taa ka duwanna, dhaqtar ka tirsan MDA, Yossi Shilo, ayaa sheegay in kooxdiisu ay arkeen “burbur ballaaran” oo gaaray goob dhisme ah”.

Haweeney da’deedu ay ku dhowdahay 60 jir ayaa loo qaaday isbitaalka iyadoo ku jirta “xaalad halis ah”, ayuu intaa raaciyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.