Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Baay

Daynuunay ( Raxanreeb Online) Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa daraawishta koonfur Galbeed ayaa howlgal ka sameeyay deegaano ku yaalla gobolka Baay.

Howlgalka ayaa ciidamadu huwanta ah waxa ay si gaar ah uga sameeyeen tuulooyinka Kuraaw-rooge iyo dhanbalka, kuwaasi oo hoostaga deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay.

Taliyaha daraawiishta Burjaad G/le Ibraahim Cabdullaahi iyo Gashaanle dhexe Cabdiraxmaan Nishow, ayaa warbaahinta u sheegay in ay weerareen saldhigyo ay Al-shabaab weerarada kasoo qaadi jireen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgalka, inta deegaanada Koonfur Galbeed laga saarayo kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.