Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulmaya

Xildhibaanada golaha shacabka oo maanta kulmaya

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulankoodi caadiga ahaa, kaasi oo ka qabsoomi doona xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Baarlamaanka, ayaa xalay farriin la wadaagay  xildhibaanada isaga oo u sheegay in ay soo xaadiraan kulanka golaha shacabka ee maanta dhacaya.

Labadii kalfadhi ee Baarlamaanka, ayaa u baaqday kooram la,aan awgeed kaddib markii Mudanayaasha Baarlamaanka ay soo xaadiri waayeen kulanka.

Fadhiyada Baarlamaanka ayaa sida caadiga u qabsooma maalmaha Sabtiga Isniinta iyo Arbacada, waxaana xildhibaanada kalfadhigaan lixaad horyaala ajandayaal dhowr ah oo looga baahan yahay inay meel mariyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.