Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay xubno katirsan Shabaab

Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Ciidanka Xoogga Dalka,  ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay tuulooyinka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose Howlgalkaas ayaa lagu dilay  xubno katirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ku saleysan xog sirdoon ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Federaalka uga gol leedahay in lagu burburiyo kooxda Al-shabaab, si loo ciribtiro loogana xoreeyo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan koonfurta dalka.

Ujeedada howlgalka maanta dhacay ayaa ah in laga jaro marinada ay isticmaalaan Khawaarijtu, lagana hortago isku uruursigooda iyo weerarrada ay ka abaabulaan meelaha miyiga ah.

Ugu dambeyn Wasaaradda Gaashaandhiggu ayaa bogaadinaysay geesinimada Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna shaacisay in ay ay ka go’an tahay difaaca dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.