Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo howlgallo kawada Hiiraan

Hiiraan ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidanka deegaanka ee macawiisleey ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyey  inta u dhaxeeysa deegaannada Abooreey  iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay  in howlgalka  uu daba socday kaddib markii ay heleen xog ku aadan in xubno katirsan Al-shabaab ay isku uruursanayaan deegaannada u dhaxeeya Yasooman iyo Abooreey.

Sidoo kale saraakiisha ayaa shaaciyay  in tageen goobihii ay horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, waxa ayna ciidamadu sameyeen miino baaris.

Ugu dambeyn, saraakiisha ayaa sheegay in ay sii wadaan howlgallada si ay u xaqiijiyaan amniga uguna hortagi doonaan weerarada Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.