Ciidanka Xoogga  oo ku sii dhowaanaya deegaannada Afarta Tuulo

Shabeellaha Dhexe ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka ayaa saaka dhowr jiho kaga sii dhowaanaya deegaannada lagu magacaabo Afarta Tuulo, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ah ayaa hadda wax ka yar 5km u jira degmada Masaajid Cali Gaduud, halka ay sidoo kale ku sii siqayaan deegaannada Ceel Baraf, Miirtaq, iyo meelo kale oo dhow.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka, ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay midka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa booqday qaybo kamid ah jiidaha hore ee dagaalka, isagoo maalmihii u dambeeyay ka waday abaabul ciidan iyo dhiirrigelin moral ah, si loo xoojiyo howlgalka cusub ee socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.