Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xubno kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka horyimid mooshin la keenay fadhiga Baarlamaanka Sabtidii, kaasi oo ahaa in xildhibaanada mushaarkooda laga jaro $500 bil kasta.
Guddoomiyaha ayaa lacagtaasi ku sheegay in looga talagalay in lagu taageero ciidanka Macawiisleyda Hiiraan oo dagaal adag kula jira kooxa Al-shabaab.
Xildhibaan Cabdirashiid Jiley iyo xidhibaano kale ayaa si adag uga horyimid mooshiinka, iyaga oo tilmaamay in la doonayo in ciidan ku sugan deegaan gaar ah lagu maalgeliyo.
“Anigu waxaan aamisanahay in loo baahan yahay istiraatiijiyad qaran oo dhameystiran, si cadaalad ahna loo taageero dhammaan ciidamada dagaalka adag kula jira Argagixisada,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa dowladda ku dhaliilay in wax taageero ah aysan la garab istaagin ciidanka Puntland ee dagaalka kula jira Daacish.
Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa carabka ku dhuftay ciidamada ku sugan Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin taageero dowladda ka timaada.
Leave a Reply