Cilmi Baare ku go’doonsan Gaza

Cilmi Baare ku go’doonsan Gaza

Gaza (Raxanreeb) — Muhammad Al-Ghalayini waa cilmi-baare dhanka sayniska ah waxa uu horraan ku noolaa magaalada Manchester ee waqooyiga England, wuxuuna tan iyo bilowgii dagaalka ku sugnaa Gaza isagoo booqday qoyskiisa.

Al-Ghalayni ayaa u sheegay barnaamij ka baxa BBC-da in uu Arbacadii booqday marinka Qaza ee xadka Masar, maadaama qaar ka mid ah qoyskiisa ay haystaan baasaboorka Urdun ah, waxaana loo sheegay in ay ku jiraan liiska dadka loo oggol yahay in ay ka baxaan marinka Qaza ee Masar.

Maxamed waxa uu sheegay in uu jiro sarkaal jooga isgoyskaas oo haystay liis ay ku qoran yihiin magacyada dadka la ansixiyay, “laakin liiska kuma jirin British”, inkastoo jinsiyado kala duwan ay ka diiwaan gashan yihiin, sida Austrian. Urdun, Indonesian, iyo Australian, sida uu tilmaamay.

Laakiin Al-Ghalayni laftiisu waxa uu sheegay in uu ku sugan yahay Qaza, uusanna bixi doonin, waxa uu sheegay in uu rabo in uu caalamka u soo bandhigo waxa ka socda Qasa.