Congo ( Raxanreeb Online) Hay’adda Caafimaadka Adduunka, WHO ayaa sheegTay in inta ay sii baarayso cudurka Ebola ee ka dillaacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, ay sii kordhayaan caddeymaha muujinaya in cudurku sii faafay.
Saraakiisha caafimaadka ee Koongo ayaa sheegay in tirada dhimashada la xiriirta fayraska ay hadda gaartay boqol iyo siddeed iyo toban qof, iyadoo kiisas cusub laga helayo deegaanno ka ballaaran kana duwan kuwii hore.
Hase yeeshee, magaalada Kinshasa ayaa sheegtay, in kooxaha gurmadka ay ku sugan yihiin goobaha cudurku saameeyay, iyagoo ka shaqeynaya raadinta dadka looga shakisan yahay inay qaadeen cudurka. Dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inaanay walwalin.
Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale sheegay inuu isku dayayo inuu xaddido faafitaanka cudurka, isagoo xakameynaya dhaqdhaqaaqa dadka, isla markaana dhiirrigelinaya in laga taxadaro aaska dadka u dhintay cudurka, oo ah in meydka qofka dhintay aanay taaban qoysaska laga dhintay.

Leave a Reply