Cosoble “Ilaahow adigaan iga dhigin Abgaal”

Cosoble “Ilaahow adigaan iga dhigin Abgaal”

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa weerar ku qaaday beesha Abgaal, xilli beelo ka tirsan uu ka dhex qarxay dagaal beeleed khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Cosoble ayaa ku dhaliilay duubabka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee beesha “in ay waxba ka qaban waayeen dagaallada soo laab-laabtay ee beelaha walaalaha ah.”

“Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal. Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?,” ayuu Cosoble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Cosoble ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay in uusan jirin naceyb gaar ah oo u qabo Abgaal, balse uu ka anfariirsan yahay sida ay dhexdooda isku dilayaan.

Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble;
Waxaa mahad leh Ilahii iga dhigay Xawaadle ee aan iga dhigin Abgaal.

Ma waxaan daawan kari lahaa tolkey oo sida Abgaal isu dilaya, is barakicinaya, aqallada iska gubaya, hantida kala dhacaya, dumarkana kala kufsanaya?

Cid ka duub badan ma jirto, cid ka culumo badan ma jirto, cid ka madax badan ma jirto, cid ka ciidan badan ma jirto, cid ka aqoonyahan badan ma jirto, cid ka dhaqaale badanna ma jirto!

Duubab lagu khasaaray iga dheh!

Culumo lagu khasaaray iga dheh!

Madax lagu khasaaray iga dheh!

Ciidan lagu khasaaray iga dheh!

Aqoonyahan lagu khasaay iga dheh!

Dhaqaale lagu khasaaray iga dheh!

Abgaal anoo jecel ayaan ka cowdi bileystaa sidey dhexdooda isu dilaayaan.