Laascaanood ( Raxanreeb Online) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa la sheegay inuu Golaha Wakiillada ka codsaday in xasaanadda laga qaado shan xildhibaan oo katirsan golaha wakiilada Waqooyi Bari.
Golaha Wakiillada Waqooyi Bari oo kulan ku yeeshay magaalada Laascaanood, ayaa xilkii ka xayuubin ku sameeyay Xildhibaannada kala ah. Makhtal Siciid Maxamuud, Cabdisalaan Cabdillaahi Cabdiraxmaan, Sidiiq Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed iyo Axmed Caabi Xasan.
waxaana cod gacan taagtay ah ku oggolaaday (57) Mudane, waxaana la tilmaamay in Saddex meelood oo Laba Xubnaha Golaha Wakiillada, sida uu dhigayo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada qodobkiisa 9-aad.
Sidoo kale Xeer Ilaaliyaha guud, ayaa sheegay in codsiga uu salka ku hayo qodobada 50-aad iyo 51-aad ee dastuurka dowlad goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo tixraacaya qodobada 184. 218 iyo 221 ee xeer ciqaabta Soomaaliyeed.
Geesta kale Xildhibaannada ayaa sheegay in go’aankoodu uu salka ku hayo sida maamulka loo hoggaaminayo iyo jihada siyaasadeed ee uu u socdo, iyagoo sheegay in dadaallo ay hore ugu bixiyeen xalinta khilaafaadka gudaha aysan miro dhalin.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa maalmo kaddib markii Fahiima Yuusuf Quuje ay u goosatay Somaliland, isla markaana ay ka degtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Leave a Reply