Dagaal beeleed ka socda duleedka Dhuusamareeb oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac

Dagaal beeleed ka socda duleedka Dhuusamareeb oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac

Dhuusamareeb (Raxanreeb) — Faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo hadda ku dagaalamaya halkaasi.

Dagaalka ayaa hadda ka socda deegaankanTaragaduud oo dhaca bariga Galgaduud, iyadoo lasoo werinayo khasaare lixaad leh oo ah, dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa waxaa ku geeriyooday saddex qof halka afar kalena ay ku dhaawacmeen kuwaas oo kawada tiran labada malleeshiyo ee ku dagaallamaya deegaankaasi.

Xaaladda deegaankaasi ayaa haatan ah, mid kacsam iyadoo la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda ee labada dhinac.

Sidoo kale labada maleeshiyo ayaa isku soo yeertay gurmadyo kuwaas oo laso werinayo in haatan ay soo wada gaareen, malleeshiyaadkan ayaa ka kala soo jeeda Ceel-garas iyo Dhuusamareeb.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah, oo kasoo baxay laamaha amniga ee dowladda Federaalka iyo kuwa Galgaduud, intaba oo ku saabsan dagaalkan malleeshiyaadka.

Dagaalkan ayaa daba socda dil argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Bulacle oo isna u dhow Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, waxaana lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta isaga baxsaday halka falkaasi ay ka geysteen.

Dagaalladan ayaa uga sii daraya deegaannada Galmudug iyo Galgaduud oo haatan ka taagan yihiin dagaallo qabiil, dhowaan ayay ahayd markii sidan oo kale duleedka Caabudwaaq, lagu dilay 1 maalin inkabadan 50 ruux.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa gogol u dhigay magaalada Dhuusamareeb si uu u heshiisiyo beelaha walaalaha ah, ee ku dagaallamay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.