Dagaal xoogan oo ka dhacay Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee duleedka Baydhabo

Dagaal xoogan oo ka dhacay Saldhigga Ciidamada Itoobiya ee duleedka Baydhabo

Muqdisho ( Raxanreeb) Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaanka Owdiinle oo hoostaga magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Owdiinle laga weeraray dhowr jiho,iyada oo jugta hubka ay isku adeegsanayeen laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee degaanka Owdiinle ee gobolka Baay.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya dhankooda ay tiro madaafiic ah ugu jawaabeen weerarka Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro kasoo gaaray labada dbinac ee dagaalamay.

Dadka ku nool degaanka Owdiinle ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahday, kaddib dagaalka dhexmaray Al-Shabaab & Ciidamada Itoobiya, arrintaasi oo ah mid soo lab laabatay.

Maamulka degaanka iyo laamaha Amniga weli kama hadlin weerarkaas, hayeeshee dhowr jeer oo  hore ayaa sidaan oo kale Al-Shabaab ay u weerareen Saldhigyada Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolka Baay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.