Dalal aqoonsaday dowladnimada Falastiin & buuq badan oo ka taagan.

Dalal aqoonsaday dowladnimada Falastiin & buuq badan oo ka taagan.

GAZA (Raxanreeb )- Ireland, Norway iyo Spain oo kamid ah dalalka reer Yurub ayaa maanta si rasmi ah u aqoonsan doona dowladda Falastiin, kulan la filayo inuu ka dhaco magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Saddexda waddan ee Yurub waxay rajeynayaan in ficilka astaantu u badan yahay uu diiradda saari doono baahida loo qabo in la soo afjaro tobanaan sano oo dagaal ah oo ka socday Bariga Dhexe iyo sidii dib loogu soo nooleyn lahaa  xal laba dawladood ah oo Israel iyo Falastiin ah.

Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaabtay, waxayna saddexda waddan ku eedaysay inay abaal-gud u siiyeen argagixisada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israel, waxaana sidoo kale dhacday in safiirradeeda ay kasoo qaadayo dalalkaan aqoonsiga dowladeed siiyay bulsha Falastiin.

Xamaas iyo maamulka Falastiin ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga. Inta badan wadamada Qaramada Midoobay waxay u aqoonsan yihiin Falastiin inay tahay dowlad, inkastoo dalal yar oo Yurub ah ay sidaas sameeyaan, dowladda Colombia ayaa shaacisay ku dhawaaqday in safaarad ka furaneyso magalada Ramalla.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Israel ay ku heyso marinka Qaza ayaa waxaa dunida kusoo kordhay shacabka isbedel doonka ee ka dhiidhiyay tallaabadaas, waxaana jirtay in jaamacado waaweyn oo dalka Mareykanka ku yaalla ay ka dhaceen Bannaanbaxyo lagu cambaareynayo tallaabada iyo xasuuqa Gaza.

Leave a Reply

Your email address will not be published.