Darawal gaari oo lagu dilay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Raxanreeb) — Malleeshiyaad hubeysana ayaa degaan hoostaga degmada Raaga-ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay kudileen Darawal Gaari oo kamid ah darawallada ka Shaqeeya degaannada gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ehellada Marxuumka ayaa sheegay in gaariga uu waday lagu rasaaseeyay xilli uu marayay degaan u dhow degmada Raag-ceelle, isla markaana dhibaatada dhacday ay ku wargeliyeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe jawaabna ay ka sugayaan.

Dhowaan ayay ahayd markii saan oo kale isbaaro lagu dilay darawal caasi wada kaasoo loo dilay shilimaad yar hasa yeeshee ciidamada dowladda ayaa gacanta kusoo dhigay gacan ku dhiiglahaas asago la hor geeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida waxayna ku xukuntay dil toogasho ah kaasoo aan weli lagu fulin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo ka hor dilkaasi deegaanka Cadalle oo malleeshiyo beeleed isku laaysay khudbad uu u jeedinayay dadka deegaanka ka hor sheegay qof kastoo qof dila in la dilayo isagana sharciga uu mari doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.