Deegaanka Moqokori oo dhagax lagu dilay 2 katirsan Al-Shabaab

Moqokori (Raxanreeb) — Moqokori, waxaa ka billowday ugaarsiga Alshabaab, dadka deegaanka ayaa dhagax ku dilay laba Dhagar qabe oo Shabaab ka katirsan kuwaas oo deegaanka lagu arkay.

Is xoreynta Xawaadle ee dagaalka Hiiraan wuxuu gaaray heer Shabaabka ay dhagaxaan (Shiid) ku dilaan. Gobonimo u dhimo oo dagaalka ka qeyb qaado.

Muuqaallo Whatsapp ka lagu baahiyey ayaa muujinaya dadka ku nool Moqokori oo si aan gambasho laheyn Dhagax nafta oga qaadaya, dilayaal katirsan Alshabaab.

Wakaaladda wararka ee afka Dowladda ku hadasha ee Soonna ayaa Boggeeda Facebook ku baahiyay qoraalkan hoos ku qoran.

“Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka oo saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan waxeyna ku dileen laba ka tirsan Al shabaab oo lacago baad ah ka qaadayay dadka deegaankaasi.

Ciidanka xoogga ayaa weerarka kaddib soo qaaday maydadka ay dileen iyo gaarigii Noah-da ahaa oo ay lacagta ku aruurinayeen iyo sido kale hubkii ay wateen”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.