DEG DEG: Agaasimaha Gaadiidka ee Wasaaradda Howlaha guud ee SSC-Khaatumo oo shaqadii laga joojiyay.

DEG DEG: Agaasimaha Gaadiidka ee Wasaaradda Howlaha guud ee SSC-Khaatumo oo shaqadii laga joojiyay.

Wasiirka wasaarada Howlaha guud iyo Gaadiidka iyo dib udhiska maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Cabdi Warsame ayaa shaqadii ka joojiyay Agaasimaha waaxda Gaadiidka Kamaal Xasan Axmed.
Warqad goordhow kasoo baxday xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay inuu Kamaal kukacay waxyaaba an waafaqsaneyn nidaamka maamulka uu ka tirsan yahay.
Sidoo kale eedeynta loo jeediyay Agaasimaha ayaa waxaa kamida inuu si sharci daro ah uqabtay shir jaraaid.

Agaasimaha Shaqada laga joojiyay ayaa maalin ka hor lagu xidhay laascaanood kadib markii uu qabtay shir jaraaid oo uu kaga hadlay inay jiraan lacago sharci daro ah oo lagu qasbay gaadiidleyda inay bixiyaan.

Warqada Wasiirka ayaa kusoo beegmeysa xili wali uu xabsiga kujira Kamaal xasan Agaasimahii Gaadiidka ee Wasaaradda Howlaha guud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.