DEG DEG: Kooxaha mucaaradka Suuriya oo lawareegay gacan ku heynta wadankaas

DEG DEG: Kooxaha mucaaradka Suuriya oo lawareegay gacan ku heynta wadankaas

Dimishiq (Raxanreeb online) – Kooxda fallaagada Suuriya ayaa aroornimada hore ee saakay oo Axad ah sheegatay, in ay Suuriya ka xoreeyeen Bashar Al Asad oo dalkaasi soo xakumayay muddo dheer, kaddib marki ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Bashar Asad uu ka cararay waddanka isla markaana aanan la ogeyn halka ay u duushay diyaarad xalay ka qaaday caasimadda.

Dhanka kale, Kooxda Jabhadda Taxrir Al Sham, waxay aroornimadi hore shaacisay in ay la wareegeen xarunta raadiyaha iyo telefishinka qaranka ee Suuriya. Waxaa la maqlayay rasaas ka dhaceysa gudaha caasimadda.

War kasoo baxay kooxda xakunka ka tuurtay Bashar Asad ee Jabhadda Xoreynta Shaam, waxay ayaan ay soo saareen ku sheegeen. “Macangagi Bashar Al Asad waa ka xoreynay waddanka”.

Waxay intaasi raaciyeen in uu soo dhamaaday waayo madow isla markaana uu billowday waa cusub. Dadka waddanka ka cararay iyo kuwa barakacay ayay ugu baaqeen in ay dalka ku soo laabtaan.

Waxay kaloo sheegeen in ay sii daayeen maxaabiisti ku xirneyd xabsiyada ugu waaweyn Suuriya ee caanka ku ahaa jirdilka dadka mucaaradka iyo dilka aanan sharciga aheyn ee loo geysan jiray dadka qaar sida ay sheegeen kooxdan.

Ugudambeyntii, dadka reer Suuriya ayaa billaabay dabaaldegyo Fagaaraha Ummayad ee bartamaha Dimishiq, halkaas oo ay ku yaallaan wasaarada dhowr ah sida, wasaaradda difaaca iyo xarumaha taliska ciidamada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.