Deg Deg: Saddex Carruur oo hal Qoys ah oo Miino la qaraxday

Deg Deg: Saddex Carruur oo hal Qoys ah oo Miino la qaraxday

Muqdisho (Raxanreeb) Saddex Carruur ah oo isku qoys ah ayaa miinada dhulka lagu aaso kula qaraxday deegaanka Miir Cado oo Beledweyne hoosyimaada xilli waddada ay marayeen.Mid kamid ah carruurtaasi ayaa geeriyooday halka labo kalena uu dhaawac ka soo gaaray ayagoo la gaarsiiyay Beledweyne.

Wakaaladda Wararka SONNA ee afka dowladda ku hadasho ayaa daabacday warbixintani.

Maanta ayaa Ciidamada Haramcad iyo kuwa Duufaan ee NISA ay weerar ku qaadeen xilli dagaalyahannada lagu qaaday Weerar ayadoo gacanta kudigeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay sii daayeen dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Al-Shabaab u xirnaa.Wararka ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu degaanka Basra oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, waxaana dagaalka ku dhaawacmay Xidigle Salaad Maxamed Cali oo kamid ahaa Saraakiisha howlgalka hoggaaminesay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.