Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax goordhweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay hore xirada Damaanyo ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka socotay qorista ciidamo cusub.
Dhinaca kale goobjoogeyaal ayaa soo sheegaya in qaraxa lala beegsaday dhalinyaro dooneysay in ay u isu diiwaan galiyaan askarta ciidamada xooga.
Warar madax banaan ayaa sheegay in ilaa 8 dhallinyaro ah inay goobta ku geeriyoodeen, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.
Leave a Reply