Degmada Mahadaay oo laga barakacayo + sababta

Degmada Mahadaay oo laga barakacayo + sababta

Mahadaay (Raxanreeb) — Xaalad deganaasho la’aan oo adag dhanka nolosha ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka taagan tahay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii ay iskugu darsoomeen laba arrin oo kala ah fatahaadda wabiga Shabelle iyo daad ka dhashay roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’day degmadaasi.

Dadka shacabka ah ayaa haatan bilaabay inay ka barakacaan daadadka iyo fatahaadaha ku dhuftay halkaasi, si aysan waxyeelo uga soo gaarin.

Maamulka degmada ayaa sheegay in qoysaska barakacay ay haatan soo wajahday xaalad nololeed, isla-markaana aysan haysan wax ay cunaan iyo hoy intaba.

“Mahadaay dhibaato ayaa ka jirto waxaa isugu darsoomay roob iyo fatahaadda wabiga Shabelle, dadkiina way ka barakaceen guryahooda” ayuu yiri Saalax Wiish oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay dhibaatada soo wajahay ayaa dalbaday in lala soo gaaro gurmad bani’aadamo oo deg deg ah.

“Biyo ayaan ku dhex jirnaa, waxaan ku iri baahi waa na haysaa, beerihii waa soo go’een waxaan idinka rajeyneynaa gurmad” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Dhanka kale, waxaa degmada gaaray ma’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka HirShabelle, kuwaas oo ku baxay fataahadda ku dhufatay Mahadaay.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray xaafadaha ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadda, waxayna usii tageen qoysaska barakacay, si ay uga wareystaan xaaladdooda.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado bani’aadanimo oo dhashay fataahado iyo roobab daadad wata oo ka da’ay qaybo badan oo kamid ah dalka.