Boliiska Turkiga oo gacanta ku dhigay Dritanoo ka ganacsada daroogada

Boliiska Turkiga oo gacanta ku dhigay Dritanoo ka ganacsada daroogada

Istanbul (Raxanreeb)  Boliiska wadanka Turkiga ayaa gacanta kusoo dhigay shaqsi lagu sheegay in uu ahaa hoggaamiyhii ugu weynaa kooxda daroogada iyo burcada ka ganacsatada waxyaalaha maanka dooriya, isagoo soo qabashadiisa ey qaadatay waqti dheer.

Sidoo kale, War qoraal ah oo kasoo boliiska dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay Dritan Rexhep oo ah 44jir una dhashay dalka Albania, shaqsiga ayaana lagu sheegay inuu ahaa burcada iyo kooxaha ka ganacsada daroogada ninka ugu weyn.

Dhanka kale, Dritan Rexhep ayaa lasheegay xiliga lasoo qabanaayay inuu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbul ee caasimada dalka Turkiga, waxaana lasheegay inuu kusafri jiray baasaboor dalka Colombia isagoo kataxadiraayo in aan la aqoonsanin.

Dritan Rexhep, ayaa lasheegay in loo heysto dambiyo dhowr ah sida dhac, kufsi, iyo kaganacsiga daroogooyinka, sidoo kale Dritan Rexhep waxaa baadi goob waqti badan qaatay ugu jiray dalal uu kamid yahay dalka Taliyaaniga.

Hogaamiyahan katirsanaa burcada ka ganacsatada daroogada ayaa la sheegay in uu madax u ahaa kooxda loo yaqaan Kompanio Bello oo awood badan kuleh dalalka Yurub iyo Koonfurta Ameerika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.