DF oo soo saartay digniino ku saabsan El-Niño

DF oo soo saartay digniino ku saabsan El-Niño

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale soo saartay digniin horleh oo la xiriirta duufaanta El-Niño, taasi oo ku aadan waxyeelo xooggan oo ka dhalan karta roobab mahiigan ah oo la saadaalinayo inuu ka da’o qaar kamid ah gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaa weli socda digniinaha ay bixinayaan mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo kuwa hay’adaha gargaarka ee ku saabsan roobabka xoogga leh ee la filayo inay dalka ka da’aan xilligan deyrta iyo weliba inay biyaha webiyada dalku kor u kacaan, islamarkaana keenaan fatahaado.

Agaasimaha Waaxda Saadaasha iyo Kormeerka Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayaradka ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan oo la hadlay VOA ayaa waxa uu sheegay in roobabka la saadaaliyay qaarkood ay billowdeen, ayna sababeen fatahaado.

“Meelo fara badan oo webiyada ka fog waxaa ka dhacay fatahaado, aan marki hore la fileyn oo soo deg degay, sida magaalada Baydhabo oo uu roob xajmigiisa le’eg yahay ka da’ay 250mm, uuna sababay khasaare xoog leh. Sidoo kale magaalooyin ay kamid yihiin Luuq iyo Beledweyne ay ka dhaceen fatahaado aan aheyn kuwa webiyada balse ayay sababtay roobka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu muujiyay walaaca la xiriira khasaaraha roobab toddobaadyada kusoo food leh qeybo kamid ah dalka, gaar ahaan ku jiheysan yihiin deegaanada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

“Deegaanada ku teedsan webiyada waxaa jiray barnaamij loo diyaariyay muddo hore oo laga sameeyo dhismayaal, waxaa kale oo jira u diyaargarow sidii looga faa’iideysan lahaayeen sidii dhismayaashaas u yareeyaan fatahaadaha webiyadda.”

Waxa uu sheegay in dadaallo kala duwan ay ugu jiraan sidii ay u yareyn lahaayeen khatarta roobabka la saadaalinayo, isaga oo bulshada deegaanadaasi faray inay ka fogaadan aagga webiyada iyo meelaha qatarta uga imaan karto.

“Dayrtan hadda ah waxaa saadaalinaynay muddo lix bil kahor in la heli doono roobab xajmiga loogu tala-galay ka badna ka di’i doonaan. Khatarta waxay iskugu jirta sare u kaca webiga oo sababeen roobabka ka yimid Itoobiya iyo sidoo kale roobab lixaad leh oo xajmigii uu ku di’i jiray ka badan uu ka da’ay gudaha Soomaaliya.”

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyaddii u dambeeyay ka digeysay dabeylo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan dalka, taasi oo keentay isbadalka cimilada ee El-Niño, oo la saadaalinayo inay kusoo wajahan tahay meelo badan oo kamid ah dalka.