DF Somalia oo shaaciyay in ka badan 100 xubnood oo katirsan kooxda AS inay dishay

DF Somalia oo shaaciyay in ka badan 100 xubnood oo katirsan kooxda AS inay dishay

Awdheegle ( Raxareeb Online) Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhufaysyo ku dhuumaaleysanayeen dagaalamayaal katirsan kooxda Al-shabaab.

Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in godad isku qarinayeen lagu dumiyay duqaynta cirka, halka ciidanka Danab ay gudaha u galeen goobihii la duqeeyey ee ku sugnayeen Al-shabaab si ay u xaqiijiyaan guusha howlgalka.

“Xogta sirdoonka ayaa muujisay in Khawaarijtu ay u diyaargaroobayeen sidii ay isaga caabin lahaayeen hawlgalka ballaaran ee “Duufaanta Aamusan” oo ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo AUSSOM ka wadaan deegaannada Shabeellaha Hoose”, ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Howlgalkaan ayaa la tilmaamay inuu dhabar jab culus ku noqday kooxda, kaddib markii todobaadyadii la soo dhaafay si isdaba joog ah loogu jabiyey Sabiid, Caanoole iyo Bariire.

Leave a Reply

Your email address will not be published.