Muqdisho (Raxanreeb) —Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo u wehliyo Agaasimaha Guud ayaa maanta ku qaabilay xarunta dhexe ee Wasaaradda u qaabilsanaha Safaaradda Norway ee Soomaaliya Haakon Svane iyo Madaxa Xirrirka Iskaashiga Horumarinta Erling hess Johnsen.
Kulanka Wasiirka iyo Wakiillada ka socday Safaaradda Norway ayaa diiradda waxaa lagu saaray Istaraatiijiyadda dowladda Norway ay ku taageereeyso Soomaaliya iyado waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka NDP-9 iyo mashaaricda horumarineed ee ay Dowladda Norway ku taageerto Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa isla meel dhigay in la dardargeliyo mashaariicda xasilinta ee Goballada laga wareegay Al-Shabaab, kala duwan ee dalkeenna lagu taageero kuwaas oo lagu salleenayo waxyaabaha mudnaanta u leh dalka Soomaliya. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo danjiraha Dalka Norway ayaa hoosta ka xarriiqay in mashaariicda kala duwan ee ay qorshenayso sidii loo amba-qaadi lahaa howlaha kala duwan ee hadda socda.