Joe Biden: maxay tahay waxa laga helay gurigiisa

Washington (Raxanreeb) — Waaxda caddaaladda ee dalka Maraykanka ayaa mar kale baaris ku sameeyey guriga Madaxweynaha Dalka Mareykanka Joe Biden kaasi oo ku yaalla xeebta Rehoboth ee Gobolka Delaware.

Baaritaanka guriga oo socday ku dhowaad afar saacadood ayaa wuxuu la xiriiray baaritaan ballaaran oo ku saabsan maaraynta dukumentiyada xasaasiga ah, Qareenkiisa gaarka ah ayaa sheegay in aan saraakiisha FBI aanay guriga ka helin wax waraaqo ah oo sir ah oo cusub, hase ahaatee ay qaateen agab kala duwan si ay ugu sameeyaan baaris dheeri ah.

Qareenka Mr Biden, Bob Bauer ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanka la sameeyay “iyada oo aan wax ogaysiis hore ah loo siin dadweynaha” si loo dhowro “amniga shaqada iyo sumcadda”.  Ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa.

Baaritaanka guriga gaarka ah ee Joe Biden ayaa daba socday, baadhitaanno hore oo lagu sameeyey xafiisyadiisa iyo weliba gurigiisa oo hore loo baaray oo laga helay waraaqo “sir ah” oo goobahaas la geeyey xilligii uu Joe Biden ahaa madaxweyne ku xigeenka Maraykanka.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump iyo ku xigeenkii hore Mike Pence ayaa sidoo kale waxaa hareeyay muran ku saabsan habka loo maareeyo dukumentiyada sirta ah.

Baaritaan bishii Ogosto ee sannadkii 2022 lagu sameeyay hoyga Mr Trump ee Mar-a-Lago estate kaas oo ku yaalla Florida ayaa laga helay daraasiin sanduuqyo ah iyo ilaa 11,000 oo dukumeenti ah, oo ay ku jiraan ilLaa 100 Dhukumenti oo ku suntan in ay sir yihiin.