DFS oo ka hadashay tallaabadii Midowga Afrika

DFS oo ka hadashay tallaabadii Midowga Afrika

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo jawaab ka bixisay tallaabada Midowga Afrika, ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaasi oo aqbalay codsiga Soomaaliya ee ku aadan bixista ATMIS.

Cabdullahi Maxamed Warfaa, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, ayaa ka warbixiyay aqbalaadda codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo waxa uu ka dhigan yahay, isagoo sheegay in Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika, go’aanada ay yihiin kuwoo masiiri ah, oo saameynaya Dalka.

Dajiraha, ayaa sidoo kale sheegay in wax badan ay ka baddeli doonaan Nabad galyada Soomaaliya maadaama ay la wareegayaan ciidamada Soomaaliya.

Danjiraha ayaa yiri sidan “Qaraarada kasoo baxay Midowga Afrika waa go’aano masiiri ah oo nabadgelyada Soomaaliya saameyn ku leh, wax badana ka beddalaya sida ay wax u socdeen, sidoo kalena abuuraya jawi cusub oo ka duwan sidii hore oo ay wax u socdeen”.

Safiirka ayaa sheegay in la gaaray xilligii isku filnaashaha ayna Amnigeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ku filantahay guud ahaan amniga dalka.

“Soomaaliya inta badan waxay aad ugu tiirsaneed ciidamadan baxayo, hase yeeshee waxaa la gaaray waqti ay Soomaaliya go’aankeeda qaadan karto oo ay rabto inay isku filnaato ciidamadeeda ay ku filnaadaan, ayna la wareegaan nabadgelyada dalka” ayuu yiri.

“Sanadihii u dambeeyay waxaa socday wada-hadallo u dhexeeyay Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ku saabsanaayeen sida mas’uuliyadda waddanka loogu wareejin lahaa dowladda dhexe” ayuu yiri markale Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika.

ATMS, ayaa la filayaa in ay isaga baxaan guud ahaan dalka dhammaadka sannadkan 2024-ka iyadoo hadda ay faarujinayaan saldhigyada qaar ee gobollada dalka.

Ciidanka ATMIS ayaa 20-ka bishan isga baxay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib muddo 12 sano ah oo goobaha muhiimka ah ee magaaladaasi ay deganaayeen, si ay u sugaan amniga deegaannadaasi.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024.

Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah.

Howlgalkan bilaabanaya ee ATMIS baddelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta Shacabka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday Ururka Midowga Afrika.