DFS oo koonfurta Sudan kula kulantay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo samata bixiyay dagaalka Sudan

DFS oo koonfurta Sudan kula kulantay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo samata bixiyay dagaalka Sudan

Khartoum (Raxanreeb) — Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Jubba ee dalka koofurta Sudan kula kulmay 102 Muwaadin oo laga soo samata-bixiyay dagaalka Sudan ka socda.

Muwaadiniintan oo safar dhulka ah kusoo gaaray ilaa xuduuda dalka koofurta Sudan la leedahay dalka Sudan ayaa waxaa iska kaashaday samata-bixintooda safaaradda Soomaaliya ee dalka koofurta Sudan iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas kuwaas oo bixinaya fududeenka qarashaadka muwaadiniintaas ku baxaya iyo deegaaneentooda.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Xamse Aadan Xaadow ayaa sheegay in meel gabagabo ah marayso sidii dadkaas dalka dib loogu soo celin lahaa oo lagu wado in diyaarad loo kireeyo dhawaan.

“Magaalooyinka Ranka iyo Baaluuj ayay ka soo baxsadeen Muwaadiniintaan soo gaaray Koofurta Sudan kuwaas oo ku yaala soodinta Sudan iyo koofurta Sudan kala qeybisa.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Dowladda.

Galinkii dambe ee shalay Dowladda Soomaaliya ayaa Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ka soo dajisay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaray 150 qof, kuwaas oo safar dheer oo xagga lugta ah ay ku soo galeen dalka Ethopia oo Dowladda Soomaaliya ay ka soo daad gureysay.