Qof si kama’ ah u cunay moos lagu iibin lahaa $120,000

Qof si kama’ ah u cunay moos lagu iibin lahaa $120,000

Seoul (Raxanreeb) — Arday u dhashay Kuuriyada Koonfureed, ayaa cunay Moos uu rakibay darbi fannaanka Maurizio Cattelan, isagoo sheegay in uu “gaajaysan yahay” kadib markii xiligii quraacda uu ilaabay inuu cunto cuno.

Farshaxankan oo loo yaqaan “Comedian”, ayaa wuxuu qeyb ka ahaa bandhigga Catelan ee “WE”, iyadoo Mooska bislaadayna lagu dhejiyay gidaarka Matxafka ku yaalla magaalada Seoul, ee la yiraahdo Matxafka Leeum Musuem iyo Arts-ka.

Ka dib markii uu cunay Mooskii, ardaygii, Noh Huyn-soo, ayaa diirka Mooska suray gidaarka, oo ah halkii uu kasoo fujiyey.

Matxafka ayaa markii dambe isla goobta dhigay moos cusub, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Dhacdadan oo socotay wax ka badan hal daqiiqo, ayaa waxaa duubay saaxiibka Noh. Matxafka Leeum kama soo jawaabin xiriir ay la sameysay BBC-du.

Si kastaba ha ahaatee, Matxafka, ayaa wuxuu u soo gudbiyay warbaahinta inaanu daalac u raacan doonin ardetgam kaasoo ah khasaare dhanka magdhawga ah.

Muuska lagu soo bandhigo Matxafka, ayaa la sheegay in labadii ama saddexdii maalmoodba mar la beddelo.

Muuqaallada lasoo galiyey Khadka Internetka, ayaa waxaa laga dhex maqlayaa qeylo uu ku leeyahay “iga raalli noqo” xilli Noh uu Muuska ka soo saarayo gidaarka.

Ardeygii muusan jawaabin, oo wuxuu bilaabay inuu wax cuno, iyadoo qolku shanqar aanay ka jirin.

Dabadeed diirkii Mooska, ayuu gidaarka ku dhejiyay ruuxani cunay Mooska, iyadoo in muddo ah uu is taagay, ka hor inta aanu bixin.