Muqdisho (Raxanreeb ) Inta badan dhaawacyadii ku soo waxyeelooby dagaalkii ka dhacay deegaanka Masaajid CaliGuduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa la soo gaarsiiyay isbitaalada caasimadda.
Sarakiiisha caafimaadka isbitaalada la keenay dhaawacyadan ayaa sheegay ,in dadkan ay isugu jiraan askar iyo dad shacab ah kuwaas oo qaarkood xaaladooda ay aad u liidato.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhaawacyada ku booqday isbitaalka, isaga oo u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.
‘’ Waa in dadka shacabka ah meel ay ugu soo wada-jeestaan la dagaalanka kooxda Al- Shabaab oo dhibaato ku haya umadeena ‘’ ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale.
Dagaalkii ka dhacay degaanka Masjidka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, waxaana jira dhaawacyo kale oo saacadaha soo socda la keeni doono Muqdisho.
Si kastaba, saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in duulaankooda uu ku wajahan yahay saldhigga ugu ee Al-Shabaab oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal.
Leave a Reply