Maxaa ka socda – manta deeganka Masaajid Cali Gaduud ee Sh. Dhexe.

Jowhar (Raxanreeb )  Wararka RBC uu ka helayo deegaano ka mid ah Shabeelaha Dhexe gaar ahaa deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo howlgal amniga lagu sugayo.

Waxa ay sheegeen saraakiil ka tirsan  Dowladda oo  ku sugan deegaankaas in keliya aysan ku ekaan doonin  halkaas oo ay u dhaqaaqi doonaan deegaanada kale ee ay ku sugan yihiin Al- Shabaab.

Deegaankan ayaa in muddo ah waxaa maamulayay kooxda Al- Shabaab oo ugu danbeyn shalay dagaal halkaas ka dhacay looga awood roonaaday.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada dowladda ee degaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, iyaga oo sheegay inay degaano dhowr ah la wareegeen.

Waxaa lagu soo waramayaa in deegaankaas   ciidanka Dowladda ay kaga qabseen Al- Shabaab hub iyo gadiid , waxaana degan xaalada inkastoo lagu soo waramayo in howlgalo ami sugid ah halkaas ciidanka Dowladda ay ka bilaabeen.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado howlgal ka dhan ah Al – Shabaab kuwaas oo loogu gol- leeyahay in kooxda laga saaro  meelo badan oo dalka ah.

Wixii ku soo kordha kala soco

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.